Dawladda Turkiga Oo Shaqada Ka Eriday Kumanaan Qof Iyo Sababta

0
696

Dawladda Turkiga Oo Shaqada Ka Eriday Kumanaan Qof Iyo Sababta

(DLN-Ankara)-Dawladda Turkiga ayaa shaqada ka eriday sideed iyo toban kun oo qof oo isugu jira askar, saraakiil booliis, macallimiin iyo qaar ka tirsan shaqaalaha rayidka ah.

Waxay sidoo kale xiraysaa xarun telefishin iyo saddex wargays.

Waa shaqo ka diristii ugu dambaysay ee ay xukuumaddu samayso kadib afgambigii dhicisoobay ee bishii July sanadkii 2016 — kaas oo masuuliyiinta dalkaasi ay ku eedaynayaan wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka ee, Fethullah Gulen.

Dawladda Turkiga ayaa ku eedaynaysa dadka shaqada laga eryay in ay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso ah.

Kala bar dadkaasi waa saraakiil boliis, saddex meelood meelna waa xubno katirsan ciidamada qalabka sida.

In kabadan boqol labaatan iyo shan kun oo qof ayaa shaqada laga eryay tan iyo iskudaygii afgambiga, kaas oo sabab u noqday in dalkaas lagusoo rogo xaalad dagdag ah.

Dadka dhaliilsan Siyaasadda madaxweyne Erdogan ayaa sheegaya in awoodaha loo adeegsaday in si ballaaran loogu wiiqo mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in Recep Tayyip Erdogan – oo helay awoodo dheeri ah kadib dib u doorashadiisii bishii hore uu hadda doonayo in uu qaado xaaladda dagdaga ah, tanina ay noqon karto tallaabadii ugu dambaysay ee lagu tirtirayo dadka lala xiriirinayo afgambigii dhicisoobay. Erdogan ayaa lagu wadaa in la dhaariyo maalinta isniinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here