Xulalka Ingiriiska iyo Croatia oo u soo baxay Sema Finalka Koobka Adduunka

0
730

Xulalka Ingiriiska iyo Croatia oo u soo baxay Sema Finalka Koobka Adduunka

Xulka kubadda cagta ee England ayaa markii u horeysay muddo 28 sano kaddib u soo baxay Sema Finalka Koobka Adduunka, kaddib markii ciyaartii wareega 8-da ay 2-0 uga badiyeen xulka Sweden.

Inigiriiska ayaa goolasha la yimid labada qeyb ee ciyaarta, taasoo u suura gelisay inuu si fudud ugu soo baxo wareega afar dhamaadka ama sema Finalka.

Harry Magiure ayaa qeybta koowaad ee ciyaarta madax ugu dhaliyay kubad koorno aheyd, waxaana qeybtii labaad ku soo dhamaatay 1-0.

Qeybta labaad ayaa ciyaartoyda Sweden ayaa sameeyay isku dayo goolal loo fishay, hase ahaatee goolhayaha Ingiriiska ayaa bad baadiyay dhowr kubadood.

Ciyaaryahan Dela Alli ayaa goolka labaad u dhaliyay Ingiriiska, waxaana uu sii rajo dilay xulka Sweden.

Dhinaca kale xulka Croatia ayaa rigoorayaal uga soo badiyay xulka marti gelinayay Koobka ee Ruushka, kaddib ciyaar xiiso laheyd oo sagaashankii daqiiqo iyo 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaa la isla dhaafi waayay 2-2.

Croatia waa markii labaad oo rigoorayaal ku soo baxeyso, horay waxay wareegga 16-ka rigoorayaal uga soo badisay xulka Denmark, Croatia ayaa iyana markii u horeysay muddo 20 sano kaddib u soo baxday, kaddib markii ay taariikh ka sameysay sanadkii 1998 Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Faransiiska, xilligaasoo ay ka gashay kaalinta saddexaad, markii u horeysay oo Tartan Koob Adduun ka qeyb qaadato.

Kulamada Sema Finalka ayaa dhici doona maalmaha Talaadada iyo Arbacada, kulanka u soo horeeyay ayaa dhex mari doona Xulalka Faransiiska iyo Belgium, halka kulanka labaad ee Sema Finalka uu dhex mari doono Croatia iyo Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here