Waa Sidee Xaaladda Maanta Ee Deegaanka Tuka-raq Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
724

Waa Sidee Xaaladda Maanta Ee Deegaanka Tuka-raq Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka ka imaanaya deegaanka Tuke-raq ayaa sheegaya in saaka xaaladda ay degantahay kadib Madaafiic aan khasaare badan ka dhalan oo shalay ay is weydaarsadeen ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka Puntland.

Dhan kale ayaa geeriyooday Taliyihii ciidanka Millatariga Taleex ee Somaliland Saleebaan Cabdi Caatay kaddib markii Ciidammada maamul gobolleedka Puntland jidgooyo u galeen, sidoo kale waxa isaga dhaawac culus soo gaadhay guddoomiyihii degmada Taleex oo dhaawaciisa lala tacaalayo.

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay dilka loo gaystay Taliyihii ciidanka Millatariga Taleex ee Somaliland Saleebaan Cabdi Caatay waxaanay sheegtay inay tallaabo adag qaadi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here