Xukun Dil Ah Oo Lagu Fuliyey Ninkii Ka Dambeeyey Weerarkii Sunta Ee Tokyo 1995

0
762

Xukun Dil Ah Oo Lagu Fuliyey Ninkii Ka Dambeeyey Weerarkii Sunta Ee Tokyo 1995

(DLN-Japan)-Dalka Japan waxaa dil del-delaad ah lagu fuliyey Shoko Asahara oo ahaa hoggaamiyihii ka danbeeyey weerarkii sunta sarin ee ka dhacay goobaha tareernada laga raaco magaalada Tokyo sanadkii 1995.

Xukuumadda Japan ayaa xaqiijisey in Shoko Asahara iyo lix qof oo kale oo ka tirsanaa kooxdiisi mayalka adkeyd la deldelay subaxnimada Jimacada ee shalay.

Kooxdan ayaa loo haystaa dilka 13 qof iyo dhaawac ay gaarsiyeen 6 000 oo qof sanadkii 1995 magaalada Tokyo.

63 jirka Asahara ayaa sanadkii 2004 lagu xukumey dil, laakiin marka la eego sharciga Japan ayaa qeexaya in aan la dili karin ilaa uu maro heerar kala duwan oo dhanka caddaalada ah.

Shoko Asahara, waxa uu ku dhashey magaca Chizuo Matsumoto, waxaana uu sameeyey urur uu u magac daray Aum Shinrikyo (Xaqiiqda ugu sarreysa) sannadkii 1984. Bilowgiisi, taas oo ah dariiqo hoostagta Buddhist iyo Hindu.

Sanadihii Sideemaadkii Asahara wuxuu sheegtey in uu safar ku tegey mustaqbalka uuna ogaadey in dagaalka saddexaad ee dunidu bilaaban doono 2006, waana sababta uu dadka ugu qaadey weerarka sunta ah si isaga iyo kooxdiisu u helaan hubka Kiimikada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here