Fadhiga Mudada Dheer oo Laga Qaado Cudurro Badan oo Halis Ah (Cilmi-baaris)

0
979

Fadhiga Mudada Dheer oo Laga Qaado Cudurro Badan oo Halis Ah (Cilmi-baaris)

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kursiga oo waqti badan la fadhiyaa ay tahay arrin aad u khatar badan.

Daraasaddan oo ay sameeyay khubaro ka tirsan Jamciyadda Mareykaka ee cudurrada Kansarka, ayaa natiijadii ka soo baxday ay sheegaysaa in dhaqaaqa yar uu keeno cudurro farabadan oo halis ah. Cilmi-baaryaashu waxey yiraahdeen “Haddii uu qofku fadhiyo 6-saacadood iyo in ka badan maalintii, khatarta ah geeridiisu waxey kor u kacaysaa 19%, marka loo eego dadka kale ee Saddex saacadood fadhiya maalintii.

Daraasaddan ayaa daaha-ka-rogtay in caadadan lagu buurnaado, Glucose iyo Insulin-tana ay kor ku kacdo, halka dadka mudada dheer fadhiya uu raashin cunistiisu badan tahay.

Daraasaddan ayaa hoosta ka xarriiqeysa in xilliyo badan ee la fadhiyo uu keeni karo cudurro badan oo ay ka mid yihiin kansarka, cudurrada wadnaha iyo xidida dhiigga, cudurka sonkorwga, cudurrada habdhiska dhaqaaqa jirka ku dhaca, cudurrada kalyaha, sambabaha iyo kuwa beerka iyo habdhiska dheefshiidka, Alzheimer iyo is-dilka oo ku badan.

Cilmi-baarayaasha ayaa natiijadan gaaray kadib markii ay baareen xog laga uruuriyay 128 kun oo qof oo rag iyo dumar ah muddo 21-sano ah, mudadaa intii lagu gudajiray waxaa dhintay 49-kun oo qof.

Khubaradan ayaa waxey ku talinayaan iney lagama maarmaan tahay in xilliga nasasho uu qofku qaato saacadaha uu kurisiga ku fadhiyo, xitaa shaqo jireed oo labo daqiiqo ah waxey hagaajisaa heerka kolostaroolka iyo Glucose-ka jirka, sidaas oo kale dhiig karta ayey dejisaa.

Maandeeq FM  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here