DEG DEG : Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Saaka Ka Soo Cusboonaatay Ceel Afwayn

0
1230

DEG DEG : Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Saaka Ka Soo Cusboonaatay Ceel Afwayn

Waxa Saaka Dabley Hubeysan oo Beryahan Isko Uruursanayaysay Duuleedka Degaanka Dararweyne Weerar Ku Qaaden Wiil Yar 14 Jir ah oo Dhaan Wada

Dararweyne (Dalmar-News) Waxa Saaka Dabley Hubeysan oo Beryahan Isko Uruursanayaysay Duuleedka Degaanka Dararweyne Weerar Ku Qaaden Wiil Yar 14 Jir ah oo Dhaan Wada Iyado Halkaas Wiilki Lagu Dilay.
Waxaana Lagu soo waramaya inay Halkaas Maleeshiyo Beeledyo ka Tirsan Beesha Wiilkaasi Goobti Dilko Ka Dhacay Yimaaden Iyado Hadda Halkaasi Isko Hor Fadhiyaan Labadi Maleeshiyo Beeled, Waxaana Goobahas Ku Baxay Ciidamada Qaranka oo Xarun Ku Leh Magaalada Dararweyne.
Beesha Weerarkan Saaka Wiilka Yar Ku Dishay aya Hore Dhowr Jeer Uga Cabanaysay In Heshiiski Laga Baxay Iyado Weeraro lagu Soo Qaaday.
Xaalada Degaanadaasi aya Kacsan  Ka Dib Dilka Foosha Xuma ee Saaka Halkaasi Ka Dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here