Al-Shabaab oo weerar madaafiic ku qaaday saldhig ciidanka Kenya ku leeyihiin Gobolka Gedo

0
922

Al-Shabaab oo weerar madaafiic ku qaaday saldhig ciidanka Kenya ku leeyihiin Gobolka Gedo

Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ku qaaday saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Faxfac-dhuun ee degmada CeelWaaq, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka milateriga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in tobaneeyo madaafiic lagu garaacay xerada, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in guutooyinkooda qaabilsan madaafiicda ay madaafiic la eegteen xerada, isla markaana khasaare ay gaarsiiyeen Ciidamada Kenya.

Ma jirto faah faahin dhab ah laga helay khasaaraha ka dhashay duqeynta, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen jugta qaraxyo xooggan oo is xigay.

Deegaanka Faxfax-dhuun ayaa ka mid ah saldhigyada Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ku leeyihiin Gobolka Gedo, waxaana xaruntaas ku sugan boqolaal askari oo ku hubeysan gaadiidka dabaabaadka.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here