Maxaa Ka Jira In Kuuriyada Waqooyi Ay Si Qarsoodi Ah U Waddo Sameynta Niyukliyeer?

0
902

Maxaa Ka Jira In Kuuriyada Waqooyi Ay Si Qarsoodi Ah U Waddo Sameynta Niyukliyeer?

Waxaa jira warar sheegaya in Waqooyiga Kuuriya ay weli sii waddo barnaamishkeeda niyukleerka inkastoo heshiisyo lagu baabi’inayo la gaaray.

Wararkan oo laga helay sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay weli casriyayneyso goobeheeda niyukleerka.

Maxay yihiin edeymahaasi?

1. Goobta niyukleerka kaliya ee waqooyiga kuuriya ee ku taal Yongbyon ayaa la casriyaynaya.

2. Waddanka ayaa doonaya in uu casriyeyo labo goobood ama ka badan oo qarsoodi ah kuwaasi oo lagu kordhinayo hubka niyukleerka.

3. Pyongyang ayaa sii wadda in ay soo saarto gawaari casri ah oo qeyb ka ah casriyeynta niyukleerka.

4. Waxa ay sii balaarisay soo saaristeeda gantaalada riddada dheer.

Kim Jong-un oo ammaanay Kuuriyada Koonfureed

Kim Jong-un walaashiis oo booqanaysa Kuuriyada Koonfureed

Daawo: Kim Jong-un oo u tallaabay xadka dhinaca K/Koonfureed

Vipin Narang oo ah professor dhanka siyaasadda ah ayaa sheegay in eedeymahaasi la sheegay aysan waxba u dhimayn heshiisyadii shirkii Singapore ee u dhaxeeyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

War murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Singapore ayaa lagu sheegay in xukuumadda Pyongyang ay ogolaatay in ay gacanka kuuriya ka baabi’ineyso niyukleerka, taasi oo loo arkay in ay muddo qaadan doonto.

.

Faafaahinta muddada ay qaadaneyso in La bur-buriyo hubka niyukleerka ayaa weli waxaa ka shaqeynaya labada dal.

“Qorshahaan ayaan noqon doonin mid hal dhinac quseeya sidoo kalana aan noqon doonin mid si dhaqasa ah ku soo dhamaado”, sidaasi waxaa yiri Mr Narang. Sidaa darteed Kim Jong-un waa ay u furantahay in uu sii wado casriyeynta hiubkiisa niyukleerka.

Balse wararkan soo baxay ayaa shaki galinaya ka dhab ahaanshaha Pyongyang heshiiskii ka soo baxay shirkii Singapore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here