Madaxwayne Donald Trump Oo Meesha Ka Saaray Xeer La Soo Saaray Xilligii Barack Obama

0
907

Madaxwayne Donald Trump Oo Meesha Ka Saaray Xeer La Soo Saaray Xilligii Barack Obama

(DLN-Washington)-Maamulka madaxwayne Donald Trump ayaa meesha ka saaray oo ka laabaty xeerar la soo saaray xilligii uu madaxwaynaha ahaa Barack Obama kuwaasi oo ku baaqayay in jaamacadaha marka ay ardayda qaadanayaan ay tixgaliyaan qoomiyadaha kala duwan si loo hormariyo kala duwanaashiyaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka mareykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in xeerarka noocan ah ay yihiin kuwa aan loo baahnayn lagana soo gudbay waqtigooda islamarkana aysan waafaqsanayn sharciga.

In xeerkan meesha laga saaro ayaan badali doonin sharciga hadda jira oo dhigaya in qoomiyadaha kala duwan la tixgalin karo haddii aysan ahayn waxa kali ah ee wax lagu qiimaynayo.

Sanaddii 2016, yay ahay markii maxkamada ugu sareeysa Mareykanka ay taageertay xeerkan.

Garsoorihii maxkamadda ugu sareeysa ee xilligaasi taageeray xeerkan Anthony Kennedy, ayaa isagu dhawan ku dhawaaqay in uu howgab noqonayo.

Maamulka madaxwayne Trump ayaan imika xarumaha waxbarshada ka doonayn in marka ay ardayda qaadanayaan ay tixgaliyaan qoomiyadahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here