Magacyadda Xildhibaannada Doonaya In Xilka Laga Qaado Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

0
1045

Magacyadda Xildhibaannada Doonaya In Xilka Laga Qaado Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

Hargeisa (Dalmar-News):-Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ka dhex istaadhan mooshin la doonayo in xilka laga qaado Guddomiyha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan waxaana maalintii shalay qaar ka tirsan xildhibaanadu ay soo jeediyeen in dib loo furo xeer-hoosaadka Golaha kaas oo awaadda golaha oo dhan siinaya Guddoomiyaha Guurtida, muddo sawaxan iyo buuq ka dib waxaa laysla qaatay in arrinkaasi gacantaag la galiyo oo maalinta sabtida ah loo balamo, Mooshinkan ayaa waxaa wadda xildhibaano tiro badan oo uu ka mid yihiin:

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxaan
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin “Dheeg”
Xildhibaan Dayib Xasan Muxumed
Xildhibaan Cawil Dhawiil Xasan
Xildhibaan Cabdicasiis Boosh-cadde
Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir
Xildhibaan Cabdiraxmaan Laangadhe-libaaxo
Xildhibaan Faysal Ciise Ubaxle
Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac
Xildhibaan Jirde
Intan oo kaliya kuma koobna Xildhibaanada doonaya in Xeer hoosaanka golaha dib loo furo balse waxaa jira kuwo kale oo iyaguna Hanqalka taagaya haddii golahu u coddeeyo in Cod la galiyo furitaanka Xeerkani.

Xeer-hoosaadkan ayaa haddii la furro oo golahu ogolaado waxaa la doonayaa in Xilkooda ay waayaan Shirguddoonka golahaaasi.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here