Dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Mudug

0
839

Dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Koofurta Gobolka Mudug ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab uu ka socdo deegaanada Caad iyo Camaara.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid, kaddib markii dadka deegaanka oo is abaabulay ay weerar ku qaadeen agagaarka deegaanka Caad oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kaddib markii cadaadis ay dadka deegaanka ku saareen Al-Shabaab inay ku soo wareejiyaan xoolaha geella oo muddooyinkii u dambeeyay ay Shabaabka dadka xoolo dhaqatada ka qaadayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay ka soo horjeedaan in xoolahooda lala wareego, isla markaana dhalinyaradooda la askareeyo.

Isgaarsiinta deegaanada Caad iyo Camaara ee lagu dagaalamayo ayaa ah mid adag, waxaana la soo sheegayaa in dagaalka uu weli ka socda.

Dadka deegaanada Mudug iyo Galgaduud ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo la galay Al-Shabaab, iyadoo dagaaladaas salka ku hayeen Xoolaha Shabaabka u qaadaan Zakawaadka.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here