Cilmi-baarayaal Daahrogay Goobta Ugu Qabow Adduunka

0
888

Cilmi-baarayaal Daahrogay Goobta Ugu Qabow Adduunka

Cilmi-baarayaal Mareykan ah ayaa helay goobta ugu qabow adduunka, goobtaas oo heer kulkeedu uu kusii dhow yahay -1000C eber ka hoosaysa.

Sida ay qortay jariidada “CBC Canada,  Cilmi-baarayaal Mareykan ah ayaa waxey daahrogeen goobta  ugu qabow adduunka oo heerkulkeedu uu gaarayo -980C oo eber ka hoosaysa.

Goobtan la helay ayaa waxey jabisay record hore ee goobta ugu qabow adduunka, sida lagu sheegay natiijada cilmi-baaristan oo ay fuliyeen cilmi-baarayaal ka tirsan xarunta xogta barafka ee “NSIDC” ee jaamacadda Colorado.

Hoggaamiyaha cilmi-baaristan oo la yiraahdo Ted Scambos ayaa waxa uu yiri: “Buuraha bari ee saqafka sare ee Qaaradda cirifka koonfureed ee barafka ah ayaa ah goobta ugu qabow adduunka.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Heerkulka si xoog ah ayuu hoos ugu dhacaa goobtaasi, markaas oo ay noqoneyso goobta ugu qabow adduunka.”

Isla goobtan ayaa sanadkii 2013 noqotay meesha ugu qabow adduunka, maadama uu heerkulkeedu gaaray -93C.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here