Is bedelo lagu wado in lagu sameeyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir

0
666

Is bedelo lagu wado in lagu sameeyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir

Muqdisho (Dalmar-News)-Wararka laga helayo Xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu socdo qorshe is bedel loogu sameynayo qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo tan iyo shalay la hadal haayay in xilka laga qaadayo Guddoomiyeyaasha dhowr degmo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in qorshahan oo ah mid soo bilowday Bishii Ramadaan oo is bedelo lagu sameeyay Guddoomiye waaxeedyada qaar ka mid ah degmooyinka.

Illaa shan degmo Guddoomiyeyaashooda ayaa la filayaa inay saameyso is bedeladan, waxaana la sheegayaa in arrintan ay ka socoto Xafiisyada sare ee Madaxda dowladda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo sanad ka hor xilka loo magacaabay ayaa soo wajahday xaalado degenaansho la’aan ah, kaddib markii ay ka war heleen is bedelka ku soo socda oo ah mid la sii saadaalinayay.

Gobolka Banaadir ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay ay isku bedeleen Hoggaan kala duwan, waxayna howsha maamulka ka dhigtay mid aan saldhigan.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here