Xulka Croatia oo u soo gudbay kulamada 16ka ee koobka adduunka

0
967

Xulka Croatia oo u soo gudbay kulamada 16ka ee koobka adduunka

Xulka Croatia ayaa u soo guday siddeed dhamaadka koobka aduunka kadib markii ay rigoorayaal ugaga badiyeen xulka Denmark.

Xulalka qaramada Croatia iyo Denmark ayaa  waxa ay   wada ciyaareen 120 daqiiqo kadib markii ay ku kala bixi waayeen waqtigii rasmiga ahaa ee 90 daqiiqo ee ciyaarta  barbaro 1-1 ah.

Labada gool ee xul walba uu dhaliyay ayaa waxa ay yimaadeen afartii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta iyadoo xulka Denmark ku hormaray gool daqiiqadii koowaad ee ciyaarta inkastoo saddex daqiiqo  kadib la  barbareeyay.

Waxaa ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah si loogu kala saaro xulalka Croatia iyo Denmark laakiin markale waqtigii dheeriga ahaa ayaa noqday mid la isku mari waayay iyada oo 120 kii daqiiqo ee waqtiga dheeriga ahaa uu haddana ku dhamaaday barbaro 1-1 ah waxayna taasi keentay in rigoorayaal labada xul lagu kala saaro.

Hase yeeshee Luka Modric ayaa xulka qarankiisa Croatia waxa uu ka qasaariyay rigoore loo dhigey dhamaadkii ciyaarta qeybtii lagu daray soddonka daqiiqo.

Rigoorayaal loo dhigey ayay labada xul labadii rigoore ee ugu horeysay ay iska qasaariyeen waxaana dadaal xoog leh muujiyay labada goolhaye balse ugu dambeyntii xulka Croatia ayaa dhaliyay saddex rigoore halka xulka Denmark ay dhaliyeen labo oo kaliya, sidaas ayayna guusha ku raacday xulka Croatia waxayna la ciyaari doonaan wareega 8-da xulka Ruushka oo ku soo baxay rigoorayaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here