Waddooyinka Ugu Wanaagsan ee Mobile-ka Loo Dabeeyo… 7 Qodob oo Ka Duwan Fikradihii Aan Horey Uga Aaminsaneyn

0
877

Waddooyinka Ugu Wanaagsan ee Mobile-ka Loo Dabeeyo… 7 Qodob oo Ka Duwan Fikradihii Aan Horey Uga Aaminsaneyn

Waxaan ka cabannaa inta badan in beteriga mobile-ka aanuu wanaagsaneyn ama uu yahay mid aad u xun, maxaa yeelay; maalin dhameystiran xitaa kuma hayn karo, laakiin khaladka aan galno ayaa qeyb ka ah dhibaatadaa, maadamaa aan beteriga u dabeynno si aan sax ahayn.

In badan inaga mid ah waxey aaminsan yihiin firkad khaladan oo ah in mobile-ka la dabeeyo xilliyo kala googo’an uu beteriga waxyeello u geysto, sida wanaagsanna ay tahay in mobile-ka la dabeeyo marka uu dabku ka sii dhacayo.

Firkaddaasi waa mid khaldan

Website-ka la yiraahdo “Battery University” ee raacsan shirkadda Cadex ee beteriga sameysa ayaa sharraxaad  inaga siinaya beteriga Lithium-ion ah ee mobile-ka Smartsphone-ka ah uu la kulmo daal oo aaney habbooneyn in muddo dheer uu dabka ka maqnaado.

1- Cadaadiska joogtada ah oo Mobile-ka dhibaato ku ah

Sida aadanaha oo kale, daalka faraha badan uma roona betariga, waxa uu dhibaato u geystaa xilligiisa oo laga yaabo inaanuu muddo farabadan ku hayn. Sidaa darteed; haddii aad dooneyso in beterigu uu waqti badan ku haayo waa in dhaqankaaga aad wax ka bedesho.

2- Mobilka dabka ha ku sii dayn marka uu buuxsamo

Dhaqanka ah in beteriga dabka lagu daayo marka uu buuxsamo dhibaato ayey ku tahay, marka uu dabka kusii jiro isagoo buuxsamay oo gaaray 100%, waxa uu isku dayayaa beterigu inuu tamartii hore uu u hore u kaydsaday qaarkeed uu iska fududeeyo si uu mid cusub u helo.

3- Marka uu buuxsamo korontada ka saar

Arrintan ayaa la mid ah sida qofku marka uu jimicsi sameeyo oo kale, waxa uu u baahan yahay nasasho, qofina maanta oo dhan jimicsi ma wadi karo.

4- Dabeynta betariga ha gaarsiin 100%

Sida website-ka Battery University uu sheegayo beteriga Lithium-ion ka ah uma baahna in la dabeeyo illaa uu ka gaarayo 100%. Waxaa wanaagsan inaan beteriga si dhameystiran loo dabeyn, haddii aad doonayso in maalintii oo dhan uu ku hayo mar kasta oo aad karto dabka gasho.

5- Mar kasta oo aad awooddo dabee

Dabeynta joogtada ah iney wax u tarto mooyaane waxba kama dhimeyso.

6- Xilliyada ka googo’an ayaa faa’iido badan

Ha moodin in mar kasta oo mobile-ka xoogaa la dabeeyo oo dabka laga saaro, hadana xoogaa kadib lagu celiyo xilliyo isku dhow dhow ay wax u dhimeyso, taa bedelkeeda ayaa sax ah oo waxbey u tareysaa, nooca beteriga Lithium-Ion inta badan Smartphone-ka la socda, waxa uu u baahan yahay in xilli kasta dabka la geliyo. waa marka aad rabto inuu maalintii oo dhan uu ku hayo.

  1. Beteriga qabowga ku ilaali

Beteriga mobile-ka Smartphone-ka waa mid xasaasiyad badan, shirkadda Apple waxey soo jeedisay in daboolka kore laga furo marka uu kululaado si aanuu dhibaato u geysan ama aanuu u qarxin.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here