Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

0
677

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Cali Xasan Bahdoon ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Xubnaha Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay kulamo kula qaadan doonaan.

Wafdigan ayaa ka qeyb geli doona Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan markii Gobolada Koofurteed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Midowga Gobolada Koofurta iyo Waqooyi.

Sidoo kale waxaa wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ka mid ah Koox Fanaaniin reer Jabuuti ah oo suugaan uga qeyb qaadan doonaan munaasabadda 1-da Luulyo.

Qaban qaabada munaasabadda 1-da Luulyo ayaa ka socoto magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here