Al-Shabaab oo qarxiyay mid ka mid ah buundooyinka loo maro degmada Qoryooley

0
1290

Al-Shabaab oo qarxiyay mid ka mid ah buundooyinka loo maro degmada Qoryooley

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay qarxiyeen mid ka mid ah buundooyinka loo maro degmadaas, kaddib markii ay Miinooyin ku xireen.

Buundadan ayaa isku xirta Qoryooley, deegaanka Danaw illaa Shalanbood, waxaana ay marin muhiim u tahay deegaanadaas iyo tuulooyin kale oo dhul beereed u badan.

Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay miinooyin ku qarxiyeen xireen Buundada, kaddibna ay burburtay.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan inay go’doomiyaan Qoryooley, iyagoo taas ka duulaya ay u qarxiyeen Buundada.

Al-Shabaab ayaa horay u qarxiyay buundooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ku xireen miinooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here