Robotka Sofia oo gaartay Adis Ababa lana kulmeysa R/Wasaare Abiy Axmed

0
840

Robotka Sofia oo gaartay Adis Ababa lana kulmeysa R/Wasaare Abiy Axmed

Robotka Sofia ee u sameysan sida bini’aadamka ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Adis Ababa ee Caasimada Dalka Itoobiya, waxaana robotkan la filayaa in uu kulan gaar ah la qaato Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Robotka Sofia ayaa u sameysan sida qof dumar ah, waxa uuna robotkan u dhaq dhaqaaqi kara una hadli kara sida qof bini’aadam oo kale, robotka Sofiya ayaa ku hadli karaa luqado kala duwan oo kuwa caalamka ah.

Sofia waxay awooddaa qosolka, garashada, xanaaqa, farxadda, murugada iyo waxyaabo kale oo badan , robotkan ayaana wajiga qofka ka akhrisan kara codadka dadkan wey kala saareysaa waxaa la baray iney afaf badan ku hadasho.

Sofia ayaa la filayay in shir jaraa’id ku qabato garoonka diyaaradaha magaalada Adis ababa, hasa ahaatee shirkaasi jaraa’id ayaa baaqday kadib markii qaar kamid ah qalabkii Robotka uu kusoo dhumay garoonka diyaaradaha ee Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Wasiirka teknoolojiyadda iyo Sayniska Itoobiya Getahun Mekuria ayaa  sheegay in Robotka Sofia ay kasoo hormuuqan doonto kulan caalami ah oo looga hadlaya arrimaha teknoolojiyadda oo Itoobiya ka dhacaya.

Robotka ayaa sidoo kale la filayaa in lala kulansiiyo cashana la qaato Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, waxa sidoo kale Robotkan inta Adis abab joogto la kulmeysa dad kale oo magac leh.

Dalka Sacuudiga ayaa markii ugu horeesay dhalashada dalkaasi siiyay Robotka Sofia, waxaana Robotkan noqday mid caan ka noqday dunida laguna soo dhaweeyo wadamo badan oo caalamka katirsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here