Jabhadda ONLF oo shirweyne uga furmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

0
887

Jabhadda ONLF oo shirweyne uga furmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Hirmooge ayaa sheegay in shirweynahan uu yahay kii saddexaad oo ay ka qeyb galayana boqolaal ruux, isla markaana lagu falanqeynayo istiraatiijiyada ururka, in is bedel lagu sameeyo hoggaanka ururka iyo arrimo kala duwan

C/qaadir Hirmooge oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan is bedelada ka dhacay Itoobiya, isagoo xusay inay weli dhowrayaan in is bedeladaas ay noqdaan kuwo aas-aasi ah.

“Is bedelada ka dhacay Itoobiya waa soo dhoweyneynaa, waxanse weli dhowreynaa in is bedeladaas ay aas aasi noqdaan, waxyaabaha waa weyn ee Itoobiya isku khilaafsan tahay, ka Soomaali ahaan inay is bedelada taabtaan ayaa rajeyneynaa, anaga diyaar baan u nahay dowladda Itoobiya in wada hadal la galno, horayna wada hadal baan kula jirnay”ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin farriimo toos ah oo ay Itoobiya ka helaan, balse ay jiraan farriimo dadban iyo kuw saxaafada la mariyay oo ku saabsanaa arrimaha nabadgelyada, balse wada hadalada ay soo dhoweynayana, isla markaana dhanka Itoobiya ay jirto wixii arrimahaas sahlaya.

Hirmooge ayaa sheegay in qadiyada Soomaalida ee Itoobiya ay aheyd mid gumeysi, isla markaana diyaar u yihiin in wada hadal lagu xaliyo, isla markaana tabashada jirta ee dadka Soomaaliyeed tirsanayaan iyo dhibaatada is afgaran waagana nabad lagu xaliyo, dadkana xuquuqdooda helaan.

Is bedeladii u dambeeyay ee ka dhacay Itoobiya ayaa keentay in weji cusub ay gasho xaalada Itoobiya, kaddib markii la sii daayay boqolaal maxaabiis u xirnaa arrmo siyaasadeed, isla markaana Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la soo baxay siyaasad furfuran oo uu wax badan kaga bedelay hab dhaqankii Itoobiya lagu yaqiin labaatankii sano ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here