Amiir William oo marki ugu horeysay booqday Daanta Galbeed

0
745

Amiir William oo marki ugu horeysay booqday Daanta Galbeed

 

Amiir William oo katirsan Boqortooyada UK ayaa booqasho ku tagay dhulka Falastiin iyo sidoo kale dhulka ay xooga ku heesato Isra’il, waxa uuna Amiirka la kulmay Madaxda maamulada Falastiin iyo Isra’il.

Amiir William ayaa noqday qofkii ugu horeeyay oo kamid ah Boqortooyada UK oo booqasho rasmi ah ku taga dhulka Falastiin gaar ahaan Daanta Galbeed, waxa uuna Amiirka socdaalkiisa uu ku tagay Falastiin iyo Isra’il uu yahay mid uu nabada uga shaqeenayay.

Waxa uu tagay Amiirka William magaalooyin iyo goobo kale oo katirsan dhulka Falastiin, waxa uuna Amiirka la kulmay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo xubno kala duwan, waxa uu sidoo kale ka qeyb galay munaasabado lagu soo dhaweenayay.

Amiirka oo la kulmay Madaxweynaha Falastiin iyo Madaxweynaha Maamulka Isra’il ayaa labada dhinac kala hadlay sidii nabada looga shaqeyn lahaa, waxa uuna sheegay Amiirka in uu ku farasax sanyahay in labada dhinac isku soo dhawaadaan kana shaqeeyaan nabada.

William ayaa intii uu joogay dhulka Falastiin ka qeyb galay Munaasabad dhaqmeed lagu qabtay magaalaa Ramallah, waxa uu sidoo booqday xero ay ku sugan yihiin Qaxooti Falastiiniyiin ah isagoona u kuur galay xaalada nololeed ee qaxootigaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here