Xulalka Qaramada Spain Iyo Portugal Oo U Gudbay Wareegga 16-ka Koobka Adduunka Iyo Iran Oo Wacdaro Dhigtay

0
887

Xulalka Qaramada Spain Iyo Portugal Oo U Gudbay Wareegga 16-ka Koobka Adduunka Iyo Iran Oo Wacdaro Dhigtay

 

Xulka Uruguay ayaa ku soo baxay kaalinta 1aad guruubka Ada oo ay ku wada jireen Ruushka,Sacudi Carabiya iyo Masar kadib markii ay 3-0 ugaga badiyeen xulka martigelinaya koobka adduunka 2018 ee Ruushka oo kaalinta 2aad ku soo baxay.Xulka Spain ayaa ku soo baxay kaalinta 1aad Guruubka B kadib markii ay 2-2 ku dhamaatay kulankii caawa halka xulka Portuqal ay kaalinta 2aad ku soo baxday kadib markii 1-1 ay isla dhaafi waayeen xulka Iran.

Kulamadii Guruub A-da ayaa ciyaaryahanada Luis Suarez iyo Edinson Cavani labo gool ka dhaliyay xulka Ruushka halka goolka kale ay iska dhaliyeen ciyaartoyda xulka Ruushka.

Xulalka Sacudi Carabiya iyo Masar ayaa ku haray wareegga koowaad ee Guruub A-da inkastoo xulka Sacudiga uu ka badiiyay xulka Masar kulan ay maanta yeesheen.

Sacudi Carabiya ayaa 2-1 ugaga badisay xulka uu horkacayay Maxamed Saalax waxayna xulka Masar ay ku hareen iyagoo aan hal dhibic ka helin ciyaaraha adduunka ee sanadkan 2018.

Kulankan ayaa waxaa goolka ku hormaray xulka Masar oo uu u dhaliyay Maxamed Saalax halka xulka Sacudi Carabiya ay labo gool ay dhaliyeen iyadoo weliba iska qasaariyay rigoore kadib markii goolhayaha 45jirka ah ee reer Masar AL Hadry uu qabtay rigooradii.

Xulka Uruguay ayaa waxa uu la ciyaari doonaa wareegga 16ka xulka Portuqal halka xulka Ruushka uu la dheelayo xulka Spain.

Xulalka ugu horeeyay ee ku hara wareega koowaas ee guruubyada A iyo B ayaa waxa ay yihiin dalal ku yaal qaarada Afrika iyo qaarada Aasiya halka afarta koox ee u gudubtay wareegga 16-ka saddex ka mid ah ay yihiin xulalka qaarada Yurub halka wadanka kale uu yahay dal ku yaal qaaraa Latin America.

Kulankii ay wada ciyaareen Portuqal iyo Iran oo ahaa kulan aad u adag ayaa waxaa xulka Portuqal uu helay goolkii koowaad ee ciyaarta balse rigoore loo dhigey xulka Portuqal ayaa waxaa ka qasaariyay laacibkooda Ronaldo kadib markii uu goolhayaha Iran uu si wanaagsan uga qabtay rigoorada.

Hase yeeshee ciyaarta dhamaadkeedii ayay xulka Iran heleen rigoore wayna ka faa’ideysteen balse ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 1-1 ah.

Kulankii ay Spain iyo Morocco ciyaareen ayaa ku dhamaatay barbaro 2-2 ah iyadoo labada goolba ay ku hormareen xulka Morocoo ee qaarada Afrika balse waxaa ay ka mid noqdeen dalalka haray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here