Wafdi ka socda dowladda Eritrea oo todobaadkan tagaya Addis Ababa

0
737

Wafdi ka socda dowladda Eritrea oo todobaadkan tagaya Addis Ababa

Wasaaradda Arrimada Dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in wafdi ka socda dowladda Eritrea ay todobaadkan imaanayaan magaalada Addis Ababa, si loo soo afjaro colaada mudada dheer u dhaxeysa labada dal.

Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa todobaadkii hore balan-qaaday inuu Addis Ababa u dirayo ergo, si ay u sii xoojiyaan nabadda, isla markaana loo soo afjaro colaada labada dal u dhaxeysay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada la wareegay bishii April ayaa la yimid furfurnaan siyaasadeed iyo is bedelo uu ka hirgalayay dalkiisa, iyadoo wax ka bedelay hab dhaqankii lagu yaqiin Itoobiya 20-kii sano ee u dambeeyay.

Is bedelada uu la yimid ayaa waxaa ka mid ahaa inuu aqbalay go’aanadii Guddigii xadeynta Qaramada Midoobey soo saartay sanadkii 2002-dii, kaasoo Eritrea loogu xukmiyay inay leedahay dhulka la isku haayo, taasoo maamulkii hore ee Itoobiya uga hor-yimid.

Labada dal Itoobiya iyo Eritrea ayaa hadda doonaya inay sameeyaan xiriir diblomaasiyadeed, si meesha looga saaro mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee soo mara Qaaradda Afrika.

Eritrea ayaa xornimada ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993-dii, waxaana wixii ka dambeeyay sanadkaas xumaaday xiriirka u dhaxeeyay, sanadihii 1998 illaa 2000 ayaa waxaa labada dal dhex maray dagaalkii ugu dheeraa oo kumanaan kun ay ku dhintaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here