Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Kigali ee dalka Rwanda

0
868

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Kigali ee dalka Rwanda

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda C/qaadir Axmed-Kheyr iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Kigali ayaa ah mid hal maalin ah, waxaana uu caawa kulan casho ah la qaadanaya dhigiisa Rwanda Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale maalinta berri ah la kulmaya madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xariirka labada dal iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here