Dadka Looga Shakiyey Qaraxii Ka Dhacay Dalka Itoobiya Gaadhay Oo 30 Qof

0
908

Dadka Looga Shakiyey Qaraxii Ka Dhacay Dalka Itoobiya Gaadhay Oo 30 Qof

(DN-Addis Ababa)-Booliska federaalka dalka Itoobiya ayaa sheegay dadka looga shakiyey iney ku lug leeyihiin qaraxi sabtidi lala beegsaday dad dibadbax ka sameeynayey magaalada Addis Ababa ay tiradoodu gaadhay 30 qof baadhitaanna uu ku socdo.

Taliyaha guud ee booliska Federaalka dalka Itoobiya General Zeynu Jamaal oo shir jaraa’id oo uu amuurtan kaga hadlayey qabtay ayaa wuxuu sheegay inuu booliska weli uu ku raad joogo dad kale oo oo looga shaki qabo iney qaraxaasi lug ku lahaayeen.

Ilaa iyo haddana booliska oo kaashanayo shacabka ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen 30 qof.

Soddonkaasi qof waxaa ka mid ah ayuu yiri 9 sargaal oo katirsanaa booliska federaalka iyo kuwa maamulka magaalada Addis Ababa oo uu ugu horreeyo taliyahi Booliska magaalada Addis Ababa Girma Kassa.

Xubnahan 9-ka ee saraakiisha booliska waxaa loo qabqabtay iney jileec ka muujiyeen hawshi loo igmaday ee ahayd iney ammaanka shacabka iyo dalkaba sugaan qaraxana uu ku dhacay jileec dhankooda ka yimid iyada oo ay booliska gacanta ku hayaan baaritaannana ay ku socdaan.

Dhinaca kale dalka Itoobiya magaalooyin ay ka mid yihiin Jigjiga, Diridhaba, Kombolcha iyo Waldiya waxaa axadda ka dhacay dibad baxyo lagu taageerayo ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed loogana soo horjeedo qaraxo sabtidi magaalada Addis Ababa ka dhacay oo dhimashada iyo dhaawacaba sababay, dibadbaxyadaasi oo ay wararku sheegayaan maalmaha soo socdana iney halkoodi ka sii socon doonaan.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here