Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame

0
807

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku tagay magaalada Kigali ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midowga Afrika Paul Kagame.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Rwanda ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisa halka maalin aheyd, isagoo galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here