AKHRISO : Maamul goboleedyada Somaliya oo taageeray go’aanka lagu hakinayo deeqaha gaarka loo siiyo Somaliland

0
814

AKHRISO : Maamul goboleedyada Somaliya oo taageeray go’aanka lagu hakinayo deeqaha gaarka loo siiyo Somaliland

 

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku taageeray go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan in la hakiyo deeqaha gaarka ee la siiyo Somaliland.

War saxaafadeed ku qornaa Afka English-ka ayaa lagu sheegay in aan la aqbali karin in si gaar ah deeqaha loo siiyo Maamulka Somaliland, iyagoo taageeray qoraalkii Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ee ku aadanaa in aan la cusbooneysiin nidaamka gaarka ee lagu taageero Somaliland.

Qoraalka oo ay ku saxiixnaayeen Madaxweynayaasha Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa loo diray Beesha Caalamka, iyadoo lagu caddeeyay in nidaamka gaarka ee Somaliland loogu qoondeeyay deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya uu yahay mid halis ku ah qaranimada Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ay soo saareen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here