Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo Qorshayneysa Imtixaankii Ugu Adkaa ee Laga Qaado Ardayda “Shahaadiga” ah

0
1189

Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo Qorshayneysa Imtixaankii Ugu Adkaa ee Laga Qaado Ardayda “Shahaadiga” ah

Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 laga qaadayo aryda shahaadiga ah ee Somaliland ayaa lagu wadaa inuu ka adkeedo sannooyinkii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay kobcinta tayada waxbarashada awgeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Cabdulqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed oo dhawaan saaxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sanadkan imtixaanku uu ka adag yahay sannooyinkii la soo dhaafay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Imtixaanaadku sanadkan waxaan ugu talaggalnay inuu noqdo imtixaankii ugu adkaa oo aan ugu talaggalnay in aanu qishkana ka ilaalinno, mobile-da ka ilaalinno, wax kasta oo suuraggal ah in uu si cadaalad ah u dhaco. waxaan waalidiinta iyo ardaydaba u sheegaynaa imtixaanka inaanuu adkeynno ulamajeedno inaan ardaydayada iyo caruurtayada dhibno, laakiin waxaan ulajeednaa tayada waxbarashada inaan kor u qaadno.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaanu rabnaa tayadii waxbarashada inaanu soo celinno, ardaygu isagoo bisil inuu Jaamacad haweysan karo, waxaanuu wasaarad ahaan qorsheynnay in dhammaan kormeere kasta iyo macallin kasta  ardaygii uu yaqaanney maahee aanuu meel kale geynno.”, ayuu yiri wasiir ku-xigeenka waxbarashada Somaliland.

 

Si kastaba, sanadkii la soo dhaafay ayaa imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland waxaa laga soo calaamadeeyay qodobbo ay ka mi dahaayeen, ilaaladiisa  oo aad u adkeyd,  ardayda oo loo diiday iney wax mobile-ah la galaan goobaha imtixaanka, macallimiin la sheegay iney ardayda qishka u sahlayeen oo xabsiga loo taxaabay, iyadoo arrintii ugu yaabka badneynd ay noqotay kaidb markii ay imtixaanka u fariisteen arday xabsiyada ku jirtay oo dambiyo madani ah loo haystay.

 

 

 

 

 

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here