DEG DEG : Qarax ka dhacay isu soo bax uu ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

0
665

DEG DEG : Qarax ka dhacay isu soo bax uu ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Qarax ayaa laga maqlay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ka socday banaan bax ballaaran oo ay ka qeyb galayeen kumanaan ruux, kuwaasoo ku taageerayay is bedelada uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Qaraxa ayaa dhacay, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha uu khudbeeyay, waxaana durbadiiba isku gedaamay Ra’iisul Wasaaraha Ciidamada qaaska ee waardiyeeya.

 

Warbaahinta Itoobiya ayaa soo sheegeysa inuu badqabo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana warar kala duwan uu ka soo baxayaa qaraxa iyo khasaaraha uu geystay.

 

Qaraxa ayaa loo maleynayaa inuu ahaa bam gacmeed, waxaana la sheegayaa in khasaare kala duwan ay sababtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here