Jiir yar oo khasaare yaab leh u geystay Banki ku yaalla Magaalada Tinsukia

0
765

Jiir yar oo khasaare yaab leh u geystay Banki ku yaalla Magaalada Tinsukia

Lacag caddaan ah oo gaaraysa 1.2 milyan oo Rupee, oo u dhiganta 17,600 oo doolar ayuu Jiir ku cunay bangi ku yaalla dalka Hindiya ka dib markii uu gudaha uu galay aaladda lacagta laga baxsado ee ATM.

Booliska Hindiya waxay sheegeen in Jiirka uu samaystay duleel yar, si uu gudaha ugu galo mashiinka bangiga ee lacagta lagu kaydiyo.

Sawirro muujinaya lacagaha uu Jiirka ku ruugay laanta bangiga dowladda uu ku leeyahay degmada Tinsukia ayaa si wayn baraha bulshada loogu faafiyay.

Sawirrada qaar ayaa sidoo kale muujinaya Jiirka oo isagoo meyd ah dhex jiifo lacagta uu cunay.

Sarkaal boolis ah oo lagu magacaabo Prakash Sonowal wuxuu sheegay in alaadda ATM-ka aysan shaqaynin muddo 12 maalmood, sida uu ku warramay wargeyska Hindustan Times.

Injineeradii samaynayay alaadda uu waxyeellada u gaystay Jiirka ayaa sheegay inay heleen lacago caddaan oo la cunay balse waxaa uu suuro gashay inay soo badbaadiyaan lacag gaaraysa 1.7 milyan oo Rupee oo lacagta dalkaasi ah.

 

 

 

Waxayna sheegeen inay amakaageen markii ay fureen alaadda oo ay ugu tageen Jiir dhintay oo cunay lacagta.

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here