Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Norway Erna Solberg

0
1068

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Norway Erna Solberg

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Oslo ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway Erna Solberg.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay adkeynta Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, horumarka, maal-gashiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa u sheegay dhiggiisa dalka Norway Erna Solberg in Dawladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay siyaasadda, dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa isaga oo ka codsaday dawladda Norway in taageero ballaaran ay la garab istaagto Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Erna Solberg ayaa soo dhaweysay horumarrada Baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, waxaana ay shaaca ka qaaday in Norway ay ka go’an tahay garab istaagga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulan la qaatay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway Nikolai Astrup isaga oo kulamo looga hadlay qorshayaal muhiim u ah shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed horay ula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka arrimaha dibadda Norway iyo agaasimaha Xarunta Wadatashiga arimaha Bini’aadninimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here