Imaaraadka Carabta Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay In Ay U Safraan Soomaaliya

0
918

Imaaraadka Carabta Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay In Ay U Safraan Soomaaliya

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warqad digniin ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in muwaaddiniinta dalkaas looga digay 13 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

 

 

 

Digniintan oo ah dhinaca socdaalka ah ayaa lagu saleeyay xaaladda amaan ee dalalkaasi, waxaana lagu sheegay in amaanka dalalka laga digayo uusan ahayn mid la isku halleyn karo.

 

Dalalka Afghanistan, Pakistan, Ukraine, Somalia, Nigeria, Koofurta Suudaan, Syria, Ciraaq, Brazil, Congo, Liibiya iyo Yemen.

 

 

Digniinta waxaa ay ku socotaa dadka u dhashay Imaaraadka ee xilliga fasaxa xagaaga tagaya dalalka kor ku xusan.

 

 

Waa markii ugu horeysay ee dowladda Imaaraadku dadkeeda uga digto in ay u safraan Soomaaliya.

 

 

 

Ugu danbeyntiina tanni ayaa caddeynaysa in aan weli amniga Soomaaliya ahayn mid la isku halleyn karo maadamada oo hadda Soomaaliya ka soo kabanayso sannado badan oo amni xumo ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here