Mareykanka oo ka Baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Q/M iyo Sababta ka dambeysa

0
1065

Mareykanka oo ka Baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Q/M iyo Sababta ka dambeysa

 

Dowlada Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhaawaqday in ay gabi ahaan isaga baxday xubintii ay ka aheyd  Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, kadib markii Mareykanka uu ka carooday go’aano kasoo baxay golahan.

 

 

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo Danjiraha Mareykanka u fadhida Q/M Nikki Haley, oo si wadjir ah shir jaraa’id u qabtay ayaaku dhawaaqay in Mareykanka ka baxay golahan, waxa ayna xuseen in golahan magaca uu wato uusan u qalmin .

 

 

 

 

 

 

 

Mike Pompeo iyo Nikki Haley ayaa ku eedeeyay Golaha Xaquuqda Aadanaha ee Q/M in muddo dheer difaacayay kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha, sidoo kalana uu ahaa gole siyaasad ahaan u janjeera hal dhinac.

 

 

Mareykanka ayaa ka carooday go’aano adag oo kasoo baxay golaha oo ka dhan ahaa Maamulka ku caan baxay xadgudubka ee Isra’il, waxa ayna sheegtay Danjire Nikki Haley in golaha uu ka eexday Isra’il una eexday dalal ku tunta xaquuqda aadanaha.

 

 

 

Dhinaca kale Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in António Guterres uu aad u jeclaa in Mareykanka uu xubin kasii ahaado Golaha Xuquuqda Aadanaha.

 

 

 

Golaha Xaquuqda Aadanahaee Q/M ayaa dhawaan soo saaray go’aano lagu cambaareenayo maamulka Israa’il oo tacadiyo ku haya shacabka Falastiin, waxaana go’aanadaasi ka carooday dowlada Mareykanka oo gaashaan u ah maamulka Isra’il.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here