Sababaha Aaney U Habbooneyn In Mobile-ka La Charge-gareeyo Habeenkii

0
912

Sababaha Aaney U Habbooneyn In Mobile-ka La Charge-gareeyo Habeenkii

Waxaa dhici karta in midabka betarigu marka uu casaan noqdo ay dad badan ku noqoto dhibaatoodaan, maadama ay ka dhigan tahay inaan farriimaha gmail-ka la akhrisan karin ama aan lala socon karin Baraha-bulshada oo si aad ah loogu xiran yahay.

 

 

Si mushkiladdaa looga fogaado, dad badani waxey isticmaalaan xeelado ay u arkaan iney ugu fiican tahay oo ah in xilliga hurdada mobile-ka dabka la gashado, si uu maalintii oo dhan uu u noqdo mid si wanaagsan loo isticmaali karo, laakiin waxaa caddaatay in xeeladdaasi aaney ahayn tan ugu fiican ee la adeegsado.

 

 

Khubaro ayaa ka digaysa in batariga la charge-gareeyo xilliga habbeenkii, maxaa yeelay; inooma wanaagsana. David Gale oo ka tirsan shirkadda “Gale & Snowden” oo ah shirkad Ingineernimo oo ka shaqeysa dhismaha deegaanka saaxiibka la ah, ayaa sheegtay in nidaamka neerfaha aadanaha uu ku shaqeeyo tamar koronto aad u hoosaysa, waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Maskaxdeennu koronto uu jirku soo saaro ayey isticmaashaa si farriimaha loo gaarsiiyo xubnaha jirka, dadka qaar, korontada uu aadanuhu sameyo[ee howlaha caadiga ah loogu talagalay] waxey saameyn ku yeelataa shaqada maskaxda oo ay faragelin ku sameyso.”

 

 

 

Sida ay qortay jariidada “Mirror”, dadka qaar waxaa ku adkaaneysa iney seexdaan meel u dhow taleefoon uu charge ku socdo ee dabka ku jira.

 

Hadaba, waxaa muhiim ah inaan mobile uu charge ku socdo aan barkinta la hoos gashan ama aan sariirta la dulsaaran xilliga hurdada, waxaa dhici karta in arrintaasi keento khatar weyn, sida; inuu betarigu qarxo oo dabka ka kaca uu guriga oo dhan saameeyo.

 

 

 

 

Dominic Littlewood oo ah khabiir ku takhasusay qalabka teknolojiyada ah ayaa waxa uu qabaa in taleefoonka la dhigo weel gudihii xilliga uu charge ku jiro, isagoo tilmaamay “Wadadani, haddii jawiga uu kululyahay ugu yaraan dab ma kicineyso.” Ayuu yiri

 

 

Sidaas oo kale, in mobile-ka uu habeenkii oo dhan uu dabka ku jiro waxa uu keeni karaa inuu xumaado. Khubarada mu’asasada “PC Advisor” ayaa ku talinaya in beteriga la charge-gareyn 100%, maxaa yeelay; haddii sidaa la sameeyo waxaa gaabaneysa mudada uu ku haynayo, ayay yiraahdeen.

 

 

 

 

 

 

Xigasho: Maandeeqfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here