Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xus Ballaadhan Oo Loo Sameeyey Maalinta Qaxoontiga Adduunka

0
2136

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xus Ballaadhan Oo Loo Sameeyey Maalinta Qaxoontiga Adduunka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madadaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa ka qayb-galay xus ballaadhan oo loo sameeyey maalinta qaxoontiga adduunka oo ku beegan 20-ka bisha lixaad(June) oo maanta lagu qabtay caasimadda Hargeysa.

 

 

Munaasibadda lagu xusayey maalinta Qaxoontiga Adduunka, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka kala qayb-galay guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinif), madax kala duwan oo ka socotay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxoontiga, qaar kamid ah dadka barakayacayaasha ah eeku sugan Jamhuuriyadda Somaliland iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo ku saabsan sida hagar la’aanta ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland iskaga xilsaartay daryeelka dadka qaxoontiga ah ee dalkeeda ku sugan.

 

 

Xubno ku hadlayey magaca hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Qaxoontiga oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland shacab iyo xukuumadba ku ammaanay muhiimadda ay siisay dadka dalka kusoo baro-kacay, iyaga oo ku dardaarmay inay sii siyaadiyaan daryeelka qaxoontiga.

 

 

Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, Mudane Cabdikariim Axmed Maxamed(Xinif) oo isaguna halkaas hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey, ayaa si adag ula dardaarmay dadka qaxoontiga ah ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ku adkeeyey inay u hoggaansamaan shuruucda iyo qawaaniinta waddanka, kana digtoonaadaan wax kasta oo liddi ku ah amniga iyo dhaqanka bulshada reer Somaliland.

 

 

Mudane Cabdikariin Xinif oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somaliland si xushmad iyo karaamo leh u daryeello qaxoonti tiradoodu ku dhawdahay Labaatan kun, kuwaas oo ay xukuumaddu u hagar baxday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Somaliland waxa ay dhabarka u ridatay inay dalkeeda si nabadgelyo ah oo xor ah ugu noolaadaan qaxoonti tiradoodu dhan tahay 19581(Sagaal iyo toban kun shan boqol iyo siddeetan iyo kow qof), ahmiyadda ay xukuumaddii hore siisayna waa xukuumaddii oggolaatay in dadka reer Yemen ee soo qaxay ee dhibaatadu ku dhacday lagu soo dhaweeyo Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadda maantuna ahmiyad taas ka weyn ayey siisay oo dadka qaxoontiga ah waxa ay u samaysay hay’ad dadkaas u gaar ah oo ka war haysa ayey u samaysay.”

 

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa isaguna farriin dhaxal-gal ah u diray dadka qaxoontinimada ku jooga jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Iyada oo la inagu yaqaan dhaqan wanaagsan iyo inaynu martida soorno oo soo dhaweyno in ummaddaas dhibaatadu keentay, waxa aan shacabka reer Somaliland usoo jeedinayaa inay dadkaas si wacan usoo dhaweeyaan, iyagana(dadka qaxoontiga ah) waxa aan leeyahay waa inay ilaaliyaan dalka shuruucdiisa oo dhaqanka dhawraan oo ay karaamo iyo sharaf halkan ugu noolaadaan oo ay dalka ka ilaaliyaan wixii sharci-jabin ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here