Kenya Oo Shaacisay Xilliga Ay Maxkamadda ICJ U Gudbinayaan Jawaabtooda Muranka Badda Ee Somaaliya.

0
1125

Kenya Oo Shaacisay Xilliga Ay Maxkamadda ICJ U Gudbinayaan Jawaabtooda Muranka Badda Ee Somaaliya.

 

 

 

 

 

Bishan June 18-keedii ayay ahayd markii dawladda Soomaaliya ay  u gudbsay maxkamadda caalamiga ee ICC gal-dacwadeed ku adaan caddaymaha lahaanshaha xuduud-baddeedka ay ku murunsan yihiin dawladda Soomaaliya  iyo Kenya ayay dawladda Kenya shaacisay in ay iyagana maxkamadda ICJ u gudbin doonaan qoraal cusub.

 

 

 

Labada dawladood waxay gal-dacwadeedyo ka furteen Maxkamadda ICJ oo Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Hague ee dalka Holland , si ay go’aan uga gaadho muranka xuduud-baddeedka  saddex geesoodka ee la isku haysta oo  dhererkiisu dhan yahay 100,000 oo mitir oo isku wareeg ah, isla markaana hodan ku ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga.

 

 

Murankaasi oo soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii xuduud-baddeedkaasi ayaa la sheegay in uu ku jiraan.

 

 

Dowladda Kenya waxay doonaysaa in dib loo calaamadeeyo xuduud-baddeedka, iyadoo la waafijinayo xuduudka dhulka ee ay Somaaliya  la leeyihiin, halka DFS doonayso in lagu saleeyo Xuduudka saxda ee dhinaca koonfureed ee Badda ee ay Kenya la wadaagaan.

 

 

 

 

DFS waxay horey u sheegtay inay sharci-darro tahay dhaqdhaqaaqa Kenya ee ay ku sahminayso xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

 

 

Bishii Feberweri  ee sannadkii hore, Kenya waxay ku guul-daraysatay wareegii 1-aad ee kiiskaasi oo ay ku doonayeen inay Maxkamadda ICJ ku joojiso dhegeysiga buuxa ee dacwaddaasi.

 

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Kenya waxay ku dhawaaqday in ay qoraal cusub u gudbin doonaan Maxkamadda  ICJ bisha December 18-da ee sannadkan 2018-ka, inkastoo ay muuqato inaysan  kalsooni weyn ku qabin in ay ku guuleystaan dacwadda muranka badda ee Somaaaliya  kala dhexeyso.

 

 

 

Dowladda Kenya waxay doonaysaa in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka, iyadoo la waafijinayo Xuduudka dhulka ee ay Somalia la leeyihiin, halka DFS doonayso in lagu saleeyo Xuduudka saxda ee dhinaca Koonfureed ee Badda ee ay Kenya la wadaagaan.

 

 

DFS waxay horey u sheegtay inay sharci-darro tahay Dhaqdhaqaaqa Kenya ee ay ku sahminayso Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

 

 

Bishii Feberaayo ee sannadkii hore, Kenya waxay ku guul-daraysatay Wareegii 1-aad ee Kiiskaasi oo ay ku doonayeen inay Maxkamadda ICJ ku joojiso dhegeysiga buuxa ee Dacwadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here