DAAWO : Abeeso Weyn oo Haweeney Ku Liqday Gudaha Dalka Indonesia

0
932

DAAWO : Abeeso Weyn oo Haweeney Ku Liqday Gudaha Dalka Indonesia

Abeeso weyn oo liqday haweenay Indonesia ah oo da’deedu tahay 54 sano jir. Maydka hawenaydan oo dhammaystiran ayaa laga soo saaray caloosha abeeso dhirirkeedu yahay 7 mitir, waxaa lagu qabtay meel ka agdhow goobta lagu waayay hawenaydan oo beer ay lahayd ku sugneyd, waa sida ay boolisku sheegeene.

 

 

 

Haweenaydan oo la ora jiray Wa Tiba da’deedu waxey ahayd 54 sano, waxaa helay dad deegaanka  ah oo raadinteeda ka bilaabay beerteeda oo ku taallay Muna Konfur bari Sulawesi ee gudaha dalka Indonesia.

 

 

Madaxa booliska deegaanka ayaa yiri: “Dadku waxey ka shakiyeen abeeso iney liqday, abeesadii ayey heleen oo wey dileen beerta ayey dibadda uga soo saareen.”

 

 

 

 

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Caloosheeda ayaa la furay, waxaa laga helay maydka.” Isagoo tilmaamay in abeesadu ay marka hore liqday madaxa.

 

 

 

Beerta ayaa ku taalla meel ay abeesooyinku ku badan yihiin, gaar ahaan nooca abeeseeyinka python-ka loo yaqaanno. Abeesooyinkan ayaa inta badan weerara xayawaanka yaryar, marar dhif ah ayayse dadka u gaarsadaan.

 

 

Si kastaba, March 2017 ayaa sidan oo kale abeeso python ah ay qof ugu liqday Indonesia ah jariisadda Sulawesi.

 

 

 

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here