Maraykanka oo u xushay Kenya inay noqoto albaabka ay ka soo galaan gobolka

0
31

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inay Kenya u xusheen inay noqdaan dalkii ugu horreeyey ee ku yaalla wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, ee ay u xushaan inuu noqdo gaashaanbuurta ugu dhow Maraykanka marka laga saaro dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ama non-NATO member US Ally.

Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa, sida istaraatejiyadda iskaashiga amniga ee Maraykanku ay ugu sii jihaysanayso dhinaca dalalka ku yaalla bariga Afrika, xilli ay ciidamada Maraykanku baxayaan dalka Niger, taasoo laga yaabo inay fursad u siiso ciidamada Ruushku inay isku ballaadhiyaan.

Kenya ayaa fursad u heli doonta inay galaangal ama fursad u hesho, taageero dhinaca milateriga ah iyo mid dhaqaale oo la mid ah, kan ay haystaan xubnaha isbahaysiga NATO, hase ahaatee, kama mid noqon karaan heshiiska difaaca ee uu ku dhisan yahay isbahaysiga NATO, kaasoo isku haya dalalka xubnaha ka ah isbahaysigaasi.

Sarkaal sare oo u hadlay maamulka Biden ayaa u sheegay weriyayaasha, in madaxweyne Biden uu u gudbin doono golaha Congresska arrintan, taasoo laga yaabo inay qaadato illaa 30 maalmood, si ay u hirgasho.

Kulamada dhex maray madaxweynayaasha Kenya iyo Maraykanka, iyo soo dhoweynta madaxweyne Ruto ayaa socotay maalinimadii Khamiista oo dhan, waxaana habeenkii xalay ahaa, loo qabtay casho sharaf ay ka soo qaybgaleen illaa 500 oo marti ahi, oo ay ku jiraan, madaxweynayaashii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo Bill Clinton, iyo xoghayihii hore ee arrimaha debedda ee Maraykanka, Hillary Clinton.

Isha: VOA SOMALI