Muqdisho oo lagu dilay Xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed

0
20

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu dilay Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed, ka dib dabley hubsayn oo aan la garaneyn hebtooda ay huwiyeen rasaas, taas oo keentay in uu geeriyooda.

Marxuunka la dilay ayaa la sheegay in maalmihii dambe Magaalada Muqdisho u joogay howla shaqo, waxaana geeridiisa ka hadlay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka Tirsana Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Caawa Alshabaab ay ku dileen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.”

Laftagareen ayaa sheegay in marxuumka la dilay uu door weyn ka soo qatay nabadda iyo dib u dhiska, isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo d u heshiisinta Bulshada.”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Marxuumka Alle u waydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.