Golaha Ammaanka ee QM oo maanta fadhi degdeg ah ka yeelanaya xaaladda ka dhex aloosan Iiraan iyo Israaiil.

0
28

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maant oo Axad ah waxa uu kulan degdeg ah ka yeelanayaa xaaladda culus ee ka dhex aloosan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo Israaiil oo hanjabaddii dhexmaraysay isu baddeshay mid weerar ah.

Maraykanka, Ingiriiska & Faransiiska oo kamid ah shanta dal ee xubnaha joogtada ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gadaal ka riixaya kulankaan iyaga oo doonaya in Iiraan lagu cadaadiyo joojinta weerarrada ay u adeegsanayso diyaaradaha duulli la’aanta ah Drones-ka.

Israaiil ayaa warqad cabasho ah u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay horay uga diiday soo jeedintii la xiriirtay joojinta dagaalka ay ku xasuuqday Shacabka Dulman ee Falastiin balse markaan dantu ku qasbaysa in ay u calaacasho.

Yuhuudda ayaa Iiraan ku tilmaamtay in ay halis ama khatar wayn ku tahay jiritaankeeda sidaas awgeed loo baahan yahay in Golahaan uu fadhi degdeg ah ka yeesho waana tan keentay in ay warqadda ku wareejisay Madaxweynaha Golahaas Vanessa Frazier.

La soco wixii kaso kordha