Maamulka Masjidka Xaramka oo beeniyey warar laga faafiyey Sheekh Cabdiraxmaan Al-Sudaysi

0
63

Baraha bulshada waxaa saacadihii ugu dambeeyey ku baahay qoraallo ay dad badan faafiyeen oo ku saabsan khayrka ku jira habeenka Laylatul Qadriga kaas oo ay inta badan dadka qoraallada soo dhigay ay xigteen Imaamka Masaajidka Barakaysan ee Makkah, Sheekh Cabdirixmaan Sudaysi.

Nuxurka farriinta baahday ayaa ahayd “in ka faa’iidaysiga habeenkan barakaysan uu ruux kasta u heli karo si gaar ah.”

Maamulka masajidada barakaysakan ayaa beeniyey farriinta la faafiyey ee loo tiiriyey Sheekha iyagoo qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee ‘Inside the Haramain’ lagu sheegay inaysan sal iyo raad toona lahayn arrintaasi.

“Farriinta baahday ee baraha bulshada lagu faafiyay oo lala xiriiriyay Sheekh Cabdirixmaan Sudaysi oo ku saabsan 10-ka dambe ee Ramadaan waa khalad iyo mid sumcad dil ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muxuu yahay habeenka Laylatul Qadri?

Sida uu Alle ‘SWT’ ku sheegay suuradda Al- Qadri, waa habeen barakaysan, oo nabadgalyo ah kaas oo dhexdiisa ay ku jiraan wanaag oo dhan, acmaasha la shaqaystaa habeenkaas ayaa dhiganto kun habeen, sida ay suutarul Al-Qadri sharraxday.

Sidoo kale habeenka ayuu Alle ku tilmaamay inay soo dagaan Malaa’ikta oo laga magac dhabay Malakul Jabriil ‘CS’.

Sheekh Axmad Atiku Auwal, oo ah macalin diinta Islaamka ka dhiga gobolka Kaduna ee dalka Nigeria ayaa yiri. “Alle (SWA) wuxuu ku soo koobay sharraxaadda habeenkan suuradda Al-Qaadri”

Sida uu Sheekh Axmad sheegay habeenkaan ayaa u gaar ah ummadda Nebi Muxamed NNKH.

Habeenkan ayaa ku jira tobanka dambe ee bishada barakaysan ee Ramadan gaar ahaan habeenada tiradadoodu is dheeftahay ama kinsiga tahay sida axaaddiis laga wariyey Nebiga NNKH ay sheegeen.

Sheekh Awwal waxa uu sheegay in habeennadan uu qofku ku noolayn karo cibaadada diiniga ah nooc kasta oo ay tahay sida Qur’aanka Kariimka ah oo uu Alle (SW) waydiiyo, Istigfaari iyo Tasbiix, Xamdala iyo ducada.

“Waa sababta uu Rasuulku (NNKH) habeennadaas uu aadka ugu ugu dadaali jiray cibaadada marka loo eego maalmihii kale ee bisha Ramadaan, iykuna boorin jiray ehelkisa oo dhan,” ayuu yiri Sheekh Awwal.

Waa kuma Sheekh Cabdiraxmaan Al-Sudaysi?

Sheekh Cabdul Raxmaan ibn Cabdul Casiis oo si weyn loogu yaqaan Al-Sudaysi, waa mid ka mida imaamyada masaajidka barakaysan ee Xaramka ee ku yaalla magaalada Makkah.

Sheekh Al-Sudaysi waa mid ka mid ah shakhsiyaadka Islaamka ugu caansan, wuxuuna ku dhawaad qof kasta oo muslim ah jecel yahay codkiisa gaarka eek u akhriyo quraanka kariimka ah.

Sheekh Cabdul Raxmaan Al Sudays waa Imaamka Sare iyo Khateebka Masjid Al Haram ee Makkah. Waxa kale oo uu yahay Madaxweynaha Guud ee Arrimaha Labada Masjid ee Barakaysan (GPH), isagoo darajada ahaan u dhigma wasiir gudaha boqortooyada Sacuudiga.

Sheekh Sudays waxa uu ku dhashay magaalada Qassim ee dalka Sucuudiga sanadkii Hijriga ee 1381-dii. Waxbarashadiisii hore waxa uu ku qaatay magaalada Riyaad isaga oo 12 sano jir ah waxa uu xifdiyay quraanka oo dhan oo uu ka qaatay Sheekh Cabdul Raxman Al Firyan .

Sheekh Sudays waxa uu ka qalin jabiyay kuliyadda shareecada sanadkii 1402-Hijriga, waxa uu dhamaystay waxbarashadiisii ugu danbaysay ee jaamacada Umm Al Qura ee magaalada Makkah, waxa uuna shahaadada PHD ka qaatay shareecada sanadkii 1416-kii ee taariikhda Hijriga.

Sannadkii 1404-dii taariikhada hijriga, waxa loo magacaabay Imaamka Masjidka Xaramka, isagoo aad u da’yar oo 22 sano jir ah, wixii xilligaas ka dambeeyay Sheekhu waxa uu hoggaaminayay Taraawiixda sannad kasta, sannadkii 1441-di taariikhda Islaamiga waxa uu dhammeeyey markii 40-aad ee Qur’aanka kariimka ah isagoo tujinaya Xaramka.

Sanadkii 1433-da hijriga, wareegto uu soo saaray Boqor Cabdallah ee Sacuudiga ayaa Sheekha loogu magacabay Madaxweynaha Guud ee Arrimaha Xarameynka wax yar ka hor inta aan la bilaabin ballaarinta weyn ee Masjid Al Haram.

Mar kale boqorka talada haya ee Sacuudiga Boqol Salmaan ayaa Sheekh Sudays dib loogu magacabay inuu noqdo madaxweynaha guud Xaramaynka muddo afar sano ah.

Sannadkii 1444-da hijriga, Sheekh Sudais waxa