Xukunno kala duwan oo lagu riday Sufyaan Taakeeye iyo kooxdii raacsaneyd

0
47

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun riday Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) oo lagu soo eedeeyey aas-aasida xisbi ku sheeg uu ugu magacdaray Talo-kunool, kaasi oo faafiyo fikradaha gurracan ee lidka ku ah diinta, dalka iyo dowladnimmada iyo sidoo kale taageeridda ficilada foosha xun ee argagixisada.

Taakeeye, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen sirdoonnada Soomaaliya iyo Kenya 28-kii bishii September ee sannadkii 2023.Waxa uu Baraha Xiriirka dadweynaha ku gudbin jiray fikirkiisa gurracan ee gaaleysiinta ah, isaggoo ku tashkiilin jiray caamada in ay soo raacaan xisbigiisa Talo-kunool.

Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, ayaa isna kaga biiray kooxda Taakeeye qaab Online-ah, isaggoo Whatsapp-ka ku faafiyey fariimo lid ku ah dowladnimmada iyo inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, isna waxaa la qabtay 28-kii bishii September 2023.

Maxamed Cabdulqaadir Cali Nuur (Sandheere) ayaa isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay Online ka, waxa uu isku dayey in uu marin habaabiyo laamaha amniga, isaga oo sheegtay in uu yahay isa-soo dhiibe Al Shabaab, waxaana la xiray 20-kii bishii December 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 14-kii bishaan.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta goโ€™aan ka soo saaray seddexda eedeysane, Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), ayaa lagu xukumay 2 Sano oo il ku hayn ah, halka Ex dable xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle isna laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere).