Museveni oo wiilkiisa u Magacaabay Taliyaha ciidamada difaaca Ugandha

0
43

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa General Muhozi Kainrugaba u magacaabay taliyaha ciidamada difaaca dalkaas, sida ay sheegtay dowladda Uganda.

Talaabadan ayaa daba socotay hadal heyn sanado badan socotay oo ku saabsan in Kainerugaba loo diyaarinayo xilka ugu sarreeya ee Uganda.

Inkastoo 49-jirkan uu horay u beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu xilka kala wareego aabihiis- oo ah hoggaamiye muddo dheer soo xukumayay dalka Uganda, haddana wuxuu ku daneynayaa dallacsiin degdeg ah oo uu ka gaaray darajada ciidamada Uganda.

Hadal laga tiray sannadkii hore barta X, oo hore u aheyd Twitter, Kainerugaba wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu u tartamo Madaxweyne Uganda doorashada 2026.