Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

0
70

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidii talada dalka looga guuleystay sanadkii 2022 ku noolaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Qatar.

Waxaa ii dhowr jeer ku dhaliilay DFS ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh inay ku deg degtay furista iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, talaabadaas oo uu ku tilmaamay in tahay mid wax u dhimaysa midnimada umadda Soomaaliyeed.

Lama oga inay arrimo siyaasadeed la xiriirto iyo in kale dib usoo laabashada Farmaajo ee dalka balse ilo wareedyo ku dhow madaxweynihii hore ayaa xaqiijiyey inuu maanta ka soo degayo gagida diyaaradaha ee Aadan Cade.