Somaliland oo si adag uga jawaabtay Eedeyn uga timid Soomaaliya farriin cusubna dirtay

0
54

Maareeyaha hay’adda Duulista Somaliland, Mudane Cumar Sayid Cabdilaahi, ayaa beeniya eedeyn kasoo yeertay hay’adda Duulista Soomaaliya oo sheegayey inay Somaliland la hadashay Diyaarad maraysay magaalada Qabri-dahare ee dowlad deegaanka.

Maareeye Cumar Sayid ayaa ku tilmaamay eedeynta uga timid hay’adda Duulista Soomaaliya mid been abuur ah oo loogu talogalay in lagu kala dilo maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya oo xiriir wannaagsan ka dhaxeeyo.

“Annagu waxaanu nahay dal ilaaliya sharciyadda caalamiga ah, mana la hadalno diyaarad maraysa meel ka baxsan hawadayada. Ma dhaafno laynka Xaris la yidhaahdo ee noo dhexeeya annaga iyo Itoobiya. Qabri-daharna weligayo ma aanu gaadhin. Soomaaliya waxay isleeyihiin Somaliland iyo Itoobiya oo isku fiican wax ka dhex raadiya umana suurto-galayso. Haddii in uun ay dhibaato dhacday waa dhibaato ay Soomaaliya wado,” ayuu yiri maareeye Cumar Sayid .

Maareeyaha ayaa sheegay in maamulkooda uu awoodo in adeegyada ay u baahan yihiin siiyaan diyaaradaha caalamiga ah ee dul maraya hawada Somaliland, waxa uuna xusay in hooshaasi si wannagasan u socoto.

“Hawshaasi sidii aanu u bilownay 12kii bishan sidii aanu ugu talogalnay ayey u socotaa. Somalilandna waxay awood u leedahay diyaaradaha dul maraya oo dhan inay adeeg siiso. Hawo ay xidhi karaan oo ay diyaarado ka wareejiyeen wada-xidhiidhkiinna ma jirto.

Waxa uu intaa ku daray maareeyaha ”Marka laga reebo isku dayo halis geliyay hawada oo ay Soomaaliya samaysay oo ay yidhaahdeen diyaaradaha line cusub oo imika ay sameeyeen nagala soo hadla.kaas laftiisa oo aanu gacanta ku hayno haddana, waanu sheegi doonaa inta khalad ee ay sameeyeen ee khatari ka dhici gaadhay,”

Maareeyuhu wuxuu sheegay in khilaafka hawadu u baahan yahay xal, isaga oo intaa ku daray in dowladad Soomaaliya aysan awoodin in ay ka qariyaan diyaaradaha dul maraya hawada Somaliland, waxa uuna xusay in ay saxeen diyaarado isku joog ku socday.

“Hadda ayaan taawarka agtiisa kaala hadlayaa oo aanu u shaqeynaynaa diyaaradaha. Umana suurtoobayso inay naga qariyaan diyaaradaha na dul maraya.waxaanu saxnay laba diyaradood oo ay isku joog siiyeen oo ay kala lahaayeen Qatar iyo Itoobiya labadii diyaaradoodna waanu la xidhiidhnay oo saxnay.” ayuu yiri maareeyaha.

Maareeyuhu wuxuu sheegay in aanay Soomaaliya haysan khabiirro maamulka hawada ah intii la joogtayna ay ka yaacday. waxa uuna ku eedeeyay in dhibaato ay Soomaaliya soo kordhiso mooyee aanay wax xal ah haynin.