Tanzania oo dhibaato xooggan kasoo gaartay xaaladda Elnino.

0
102

Tanzania oo dhibaato xooggan kasoo gaartay xaaladda Elnino.

Dalka Tanzania waxaa saameyn taban ku reebay roobab mahiigaan ah oo sababay in dhul muhiim ah socodkiisa uu go’o waxaana la joojiyay dhammaan isu gudubka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan si aanay halis kale u dhicin.

Haweeneyda Madaxweynaha ka ah Dalkaas Samia Suluhu Hassan ayaa amar ku bixisay in heegan la geliyo shaqaalaha gargaarka degdega ah si ay u gaaraan goobaha inta badan dhibaatooyinka laga soo sheegayo.

Samia ayaa tilmaamtay in loo baahan yahay in la hagaajiyo marinnada muhiimka ah ee aanay u go’in isu socodka maadaama meelaha qaar laga soo sheegayo dhul go’an ballaaran oo xitaa Gaadiidka qaar ay kala go’een isaga oo raran.

Sidoo kale meelaha ay Dowladdu sheegtay in ay xoogga saareyso waxaa kamid ah in si joogta ah loo helo Isgaarsiinta oo ah marinka ugu fudud ee is maqalka Dadka kala fog si looga hortago in xogta & xiriirka Dadkaas ku nool meelaha fog loo waayo.

Ku dhowaad 400 oo ruux oo samatabixiyaal ah ayaa loo diray Waqooyiga Degmada Hanang si ay usoo samatabixiyaan qoysaska halkaas ku go’doomay oo dhibaatooyin nololeed wajahaya maadaama daadadku ay la tageen wixii ay ku tiirsanaayeen nolol ahaan.

Xaaladda Elnino ee ah Daadadka Roobka iyo Fatahaadda Webiyada ayaa saameyn taban ku reebtay Waddamo badan oo dhaca Bariga Qaaradda Afrika sida Soomaaliya, Kenya, Tanzania iyo Dalal kale inkasta oo xaalado ay kala culus yihiin.