Nin Sheegtay Nabinimo Oo Gawracay Wiil Yar Oo Uu Isagu Dhalay Oo Maxkamada La Soo Taagay

0
147

Nin Sheegtay Nabinimo Oo Gawracay Wiil Yar Oo Uu Isagu Dhalay Oo Maxkamada La Soo Taagay

Maxkamad ku taal dalka Ingiriiska ayaa lasoo taagay nin sheegtay in uu Nabi yahay isla markaan uu la hadlo ilaahay.

Ninkan ayaa gowracay cunug yar oo uu dhalay isaga oo iska dhigay sidii Nabi Ibraahim NNK.

Ninkaan oo lagu magacaabo Kadees Maxamed, la sheegayna in uu haysto diinta Islamka da’diisuna ay tahay 30 jir degan Magaalada Birmingham ayaa dacwad lagu soo oogay ayada oo lagu eedeeyay inuu dilay ilo yar oo isagu dhalay oo jiray saddex toddobaad.

Waxa uu dilku dhacay bishii Oktoobar, 2022.
Eedeysanaha oo hadda ku jira Isbitaalka dhimirka ayaa qaab fogaan arag ah ugu soo muuqday dhagaysiga kiiska ka dhanka ah, balse waa diiday dhamaan eedaha loo jeediyay.

Waxa uu maxkamada u sheegay in waxyi kusoo dago isla markaana caafimaadkiisa uu yahay mid wanaagsan. Balse waxaa xaalada walaac ka muujiyay eheladiisa oo sheegay in uusan ahayn mid ah caadi ah.

Walaashii oo lagu magacaabo Maryam Zahir oo sidoo kale Maxkamadda marqaati ahaan loo keenay ayaa sheegtay in walalkeed uu ku u sheegay in waxyi uu samada ugu soo dago isla markaan uu yahay Nabi ka hor inta uusan dilin wiilka yar ee uu dhalay.

”Waan garan karaa waxa dhici doona maskaxda dadka waxa ku jira ayaan ogaan karaa, qiyaamuhu waa uu dhaw yahay’ ayuu igu yir walalkay,” ayay maxkamadda u sheegtay walaashiisa Maryam.

Maryam waxay sheegtay in walaalkeed uu sidoo kale sheegtay inuu arkay Nebi Muxummed (NNKH).
Sidee ayuu u dilay wiilka yar ee uu dhalay?Ninka oo sheeganaya in uu Muslim yahay ayaa lagu magacaaba Kades Maxamed marka uu dilayay wiilka yar ee uu dhalay ayaa la sheegay in uu kasoo laabtay isbitaal oo yimid guriga oo ay ku sugan xaaskiisa iyo hooyadii.

Waxa uu tooreey ku weeraray xaaskiisa iyo hooyadii oo isku dayay in ka celiyaan wiilka yar balse waa ay awoodi waayeen inay ka celiyaan. Waxa uu mindi qoorta kaga gooyay cunugiisa yar.

Xaafadaha dariska la ah ayuu galay oo u shegay in uu wiilkiisa gowracayo. Dadkaas ayaa booliska ku wargaliyay balse inta aysan soo gaarin ayuu cunuga dilay.

Xaaskiisa ayaa booliska u sheegtay in markii uu dilay cunug yar uu aaday masaajidka isla markaan uu gacmaha kasoo dhaqday.

Markii uu dilka gaystay ayaa la sheegay in uu cararay ayada oo booliska ay u suurta gashay in markii danbe uu gacanta kusoo dhigo.

Qoyskiisa ayaa sheegay in xaaladda caafimadka ee dhimirka ee wiilkooda aysan ahayn mid wanaagsan.

Maalin ka hor inta uusan dilin cunuga yar waxaa ay qoyskiisu ku arkeen calaamado muujinaya in uu doonayo in uu isdilo balse waxa ay ugu waceen isbitaalka si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.

Bilawga maxkamada ayaa waxa uu dacwad oogahu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ku saabsan dacwada loo heysto eedaysanaha ee ah in uu dilay wiilkiisa.

Maxkamadda ayuu ka codsaday in aysan fiirin caafimaadkiisa dhimirka balse loo baahan yahay in ay diirada saarto in kiiska danbiga ah ee ka dhanka ah ninka.

Dhegaysiga maxkamadda ayaa sii socon doona waxaa na la filayaa in maxkamadda ay ninka go’aan ka gaarto marka uu dhamaado doodda dhicanyada kala duwan ee kiiska qeybta ka ah.