Markab uu soo diray Ruushka oo soo gaaray Soomaaliya

0
97

Munaasabad ka dhacday Degadda magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dowladda Ruushka kala wareegtay markab siday shixna gargaar ah oo loogu talagay arrimaha Bini’aadannimada ee ka dhashay daadadka.

Kaalmadan oo dhan 25,000 oo tan ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad jeediyay, ayaa iftiimiyay heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada bani’aadanimo ee jirta. Daadadka, oo loo aaneynayo ifafaalaha El Niño, ayaa galaaftay nolosha 101, barokacay in ka badan 1 milyan oo qof, waxayna saameeyeen 2.5 milyan oo qof oo dalka oo dhan ah.

Shixnadda gargaarka ah ee ka timid Ruushka, ayaa mas’uuliyiinta dowladda markii lagu wareejinayay waxay sheegeen inay tahay tallaabo muhiim ah oo wax looga qabanayo baahiyaha degdegga ah ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Munaasabadda lagu wareejinayay deeqdan ayaa waxaa lagu nuux-nuux saday in dowladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Ruushka ay iska kaashanayaan kaalmeynta waqtigan adag ee lagu jiro.