Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dabkii ka kacay Suuqa magaalada Wajaale

0
151

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dabkii ka kacay Suuqa magaalada Wajaale

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dabkii fiidnimadii xalay ka kacay Suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale oo dhaca xadka ay wadaagaan Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada maamulkaas ayaa lagu sheegay in, “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu murugada iyo tiiraanyada la qaybsanaya muwaadiniinta hantidoodii ku waayey masiibada dabkii ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale.”

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa, “muwaadiniinta hantidoodii baaba’day Eebbe uga baryayaa inuu ciwad khayr leh ka siiyo hantidoodii, isaga oo ugu baaqay inay niyaddooda wanaajiyaan, kasoo kabasho degdeg ahna u diyaar garoobaan iyaga oo Ilaahay isku xidhaya,” sida lagu yiri warka ka soo baxay Maamulka Somaliland.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Ciidanka dab-damiska iyo ilaalinta badqabka hantida ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen sidii dabkaa loo damin lahaa, sidoo kale waxa uu u mahadnaqay ciidanka dab-damiska Dawlad Deegaanka Soomaalida oo qayb-weyn ka qaatay daminta dabka.

Muuse Bixi ayaa hay’adaha amniga qaabilsan faray in ay si hufan baaritaan ugu sameeyaan sababta keenaya dabkan soo noqnoqday, isaga oo ugu baaqay in Ganacsatada ay u hoggaansamaan tallooyinka iyo habraacayadda Ciidanka dab-damisku siinayaan muwaadiniinta si looga hortago marwalba khataraha iyo khasaaraha badan ee ay sababayaan masiibooyinka dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here