Ingiriiska, Faransiiska & Jarmalka oo ku dhawaaqay cunaqabatayn dheeraad ah oo ka dhan ah Iiraan.

0
115
International European Country Flags ranking in the sky

Dalalka kala ah Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayn dheeraad ah oo cusub ay kusoo rogeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay dhinac uga beertay heshiiskii Macdanta Yureeniyamta.

Saddexdaaan waddan ee reer Yurub ayaa sheegay in marar badan ay Iiraan horumarin ku sameysay macdanta Yureeniyamta iyada oo dhegaha ka xiratay baaqyada kala duwan ee loo diray si ay u joojisay tallaabadaas.

Sanadkii 2015kii waxa ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay gashay heshiis caalami ah oo loogu talagalay in lagu hayo xaddidaadna lagu saaro barnaamijkeeda Nukliyeerka ah si looga hortago khatarta ku gedaaman waa sida ay ku doodeen dhinacyada la heshiiyay.

Xukuumadda Tehran ayaa hadal adag ku sheegtay in aanay marnaba dhinac uga dhaqaaqin heshiiskaas balse horumarinta ay sameyneyso ee lagu eedeeyay ay yihiin qiil ay raadinayaan waddamada u biratumanaya sidii ay u colaadin lahaayeen waa sida ay tiri.

Dadka sida dhow ula socda xayiraadda & cunaqabataynta dhowrka jeer la saaray Iiraan ayaa sheegay in aanay culeys saarin si ay uga harto hormarinta barnaamijkeeda Nukliyeerka iyo Macdanta Yureeniyamta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here