Maxbuuskii ka fakaday Xabsiga Mareykanka oo ay soo qabteen Eeyo

0
113

Maxbuuskii baxsadka ahaa ee Danelo Cavalcante ayaa la qabtay ka dib ku dhawaad laba toddobaad oo uu baxsad ahaa. Gacan-ku-dhiiglahan ayaa la raad-gurayay ka hor inta aysan isku hareereyn koox xeeladaysan oo ka tirsan Ilaalada Xuduuduhu abbaare 8-dii subaxnimo ee Arbacadii.

Calvalcante ayaa ugu dambeyntii dib loogu celiyay xabsiga ka dib 14-maalmood oo ay baadi goobayeen hay’ado badan oo socday in ka badan 25 mayl. Ku dhawaad laba toddobaad, Cavalcante waxaa ku raad joogay kumannaan ka tirsan ciidamada SWAT, FBI, Booliska qeybihiisa kala duvan ee ku qalabeysan; diyaarado, fardo iyo Eeyo.

Ilaalada Xuduudaha ayaa sheegay in ay si wada jir ah ula shaqeysay booliiska gobolka iyo hay’adaha kale ee maxalliga ah iyo federaalka si ay u hareereeyaab Cavalcante una sugaan xarigiisa. Wakiilada Buffalo, Detroit, Washington iyo Vermont iyo Kooxda Hawlgallada Gaarka ah ee Ilaalada Xuduudaha ee El Paso, Texas, ayaa ka qaybqaatay qabashada baxsadkaan.

Mr Bivens ayaa yiri. “Eeyaha K9s ayaa ka ciyaaray door aad muhiim u ah, in si badbaado leh loo soo qabto baxsadaha,” Mr Bivens wuxuu sheegay in Eeyga K9s ka qaybqaatay baaritaanka ay caadiyan u adeegsadaan in si fudud loo xiro tuhmanayaasha iyagoo aan geysan dhaawacyo kale.

Sida laga soo xigtay mareegaha Ilaalada Xuduudaha, eeyaha ayaa “loo tababbaray ogaanshaha aadanaha, dabagalka iyo cabsida jireed ee maadooyinka rabshadaha kuwaas oo si gaar ah ugu habboon xaalladdaan.”

Dadka reer Pennsylvania ayaa cabsi soo wajahday ka dib markii ay booliisku ka codsadeen in ay ku nagaadaan guryahooda, maadaama uu dembiile qatar ahi xabsiga ka baxsaday waxaana saddex degmo la fasaxat dugsiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here